Waqooyiga Kuuriya oo gantaal ay riday dul maray waqooyiga dalka Japan

Waqooyiga Kuuriya ayaa gantaal saacadihii la soo dhaafay ay riday dul maray hawada waqooyiga dalka Japan, kaasoo markii dambe ku dhacay Badda.

Ciidamada Japan ayaa isku dayin inay soo ridana Gantaalkan ama dhexda ka qabtaan, iyadoo raadaarka Japan uu digniin ka bixiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa ku tilmaamay gantaalka la dul mariyay dalkiisa khatar aan horay loo arag, isagoo xusay inay dhaawaceyso nabdda gobolka.

Waxaa uu ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo shacabka dalkiisa.

Waqooriga Kuuriya ayaa maalmihii u dambeeyay si is-daba joog ah u tijaabineysay gantaalo, hase ahaatee marna gantaaladaas ma dul marin hawadan Japan.

Sabtidii iyo jimcihii ayay Waqooyiga Kuuriya riday saddex gantaal oo ah nooca ridada dhexe, waxaa ay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.