M/weyne ku xigeenka hirshabelle cali guud laawe oo beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta

August 17 (Gedo times) Sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo Idaacadaha oo sheegaya inuu soo saaray amar uu ku farayo Madaxweynihii xilka Cali Cosoble inuu ka baxo magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, oo la doonayo in fidno qabiil lagu kiciyo, isla markaana ay jiraan qolo dooneyso inay abuurto qalalaase iyo fowd0.

“Warkaas waa been abuur, qolo rabta in fowdo iyo qalalaase ku kiciso ayaa ka dambeysa, magaalada Jowhar waa Caasimadii Hirshabeelle, waa magaalo Soomaaliyeed, muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ayaa ku noolaan kara”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in warkaas ay abuureen shaqsiyaad dano gaar ah leh, isla markaana raba inay iska horkeenaan shacabka reer Hirshabeelle, isagoo tilmaamay in idaacadihii warkaas sii daayay in laga rabo inay keenaan cadeyn.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka jira xiisado siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulka Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo Cali Cosoble uu sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlin xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Maamulka Hirshabeelle, inkastoo Madaxweynihii xilka laga qaaday uu dowladda ku eedeeyay inay qeyb ka aheyd ololaha xilka looga qaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.