Xildhibaaano taageeray cali cabdullahi cosoble sheegayna inay xilka ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

August 15 (Gedo times)— Tiro Xildhibaano oo taageersan Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle ayaa caawa uga dhawaaqay magaalada Jowhar inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Kulan ay Xildhibaanada ku yeesheen Guriga Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cosoble ayay ku sheegeen inay xilka ka qaadeen, waxaana goobta la sheegay inay ku sugnaayeen tiro labaatan Xildhibaan ku dhow.

Xildhibaanada ayaa mar kaliya laga war helay iyagoo shir jaraa’id qabanaya isla markaana sheegaya in xilka ka qaadeen Guddoomiyaha, lama oga qaabka ay ku timid, iyagoo ahaa Xildhibaano kaliya oo aan wax shir guddoon ah wehlin, taasoo mugdi gelineysa xaqiiqada xil ka qaadistooda.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in mar kaliya ay layaab ku noqotay in loo yeero, dabadeedna Xildhibaanada qaarkood oo ahaa Wasiiro ay shaaciyaan in xilka laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre uu ayiday xil ka qaadistii shalay Xildhibaanada ku sameeyeen Cali Cosoble, iyadoo Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in 30 cisho gudahood Madaxweyne lagu soo dooranayo.

Xildhibaanada iyo Senator gaaraya illaa sodomeeyo ayaa maanta Muqdisho shir ay ku yeesheen ku taageeray xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali Cosoble, iyagoo ku baaqay in is bedelka uu galayo maamulka Hirshabeelle looga gudbo qaab wanaagsan.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaalka Maamulka Hirshabeelle oo xilligan faraha la galay qalalaase siyaasadeed oo sababay in labo garab u kala jabaan Xildhibaanada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.