Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyay Qarax lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed

qarax

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya, Gaari laga soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa la dhigay wadada Makka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya.

Ciidammada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay xireen wadada maka al mukarama qeybo ka mid ah inta uusan qaraxa dhicin kadib markii ay xaqiijiyeen in gaari lagu xiray qarax uu wadada yaala gaadiidka waaloo diiday iney maraan wadada Makka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.