Daawo:Raysawasare Khayre oo Furay Kulan aya soo qaban qaabisey Wasaarada Gadiidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri; “Hawada dalkeena in ay maamulaan dhalinyaro Soomaaliyeed waa astaan kamid ah soo celinta Qaranimada ummada, haddii aad tihiin Wasiiradii dawladda dhexe iyo kuwa maamullada dhamaantiin waxaad matashaan shacabka Soomaaliyeed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.