RW Kheyre oo shir gudoomiyay shirka gudoomiyaasha gobalka Banaadir

khayre

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.