Muuqaal Markab gargaar sida Dowlada Soomaaliya Lagu wareejiyey

markab

Soomaaliya ayaa waxaa jirta Abaar xun oo xoolihii iyi dadkii dhib kuhaysa dhawana bay ahayd markii dowlada Soomaliya dalbatay in gurmad adag daga lala soo gaaro.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar, oo markabkan deeqda saaran tahay ku wareejiyay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uusan gargaar kaliya ku ekaaneynin ee mashaariic horumarineed oo dhowaan dalka ay ka bilaabi doonaan.

Olgan Bekar, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in deeqdan ay qeyb ka tahay howlaha samafal ee hey’adaha Turkiga ku kaalmeynayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cilmi Cumar Ceynsane ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu mahadceliyay is garab istaagooda xilliyada ay caawimaada u baahan yihiin, isagoona xusay in deeqdan la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.