Fadlan udiir naxa oo Caawiye Gabar Yar ee Xanuunsan

wiil

Qofka Islaam-nimadiisa Waxaa Lagu Gartaa Marka Uu Ka Diir-naxo Walaalkiisa Dhibaateysan Ee Kaalmada Uga Baahan……..
Niciimo Burhaan Mahad Waa Gabar Sanad iyo Afar Bilood Jir ah Waxaana Ay Ku Dhalatey Xanuun Kasoo Wajahay Dhinaca Madaxa Kaas Oo Waxyeelo U Geystey Dhamaanba Qeybaha Jirkeeda Islamarkaasina Sababey In Ay Xiligaan Awoodi Weydo Iskabadaa Fadhi Istaag Socod Xitaa In Ay Dhinac U Galgalato .
Taas Oo Ka Soo Jeedo Qoys Dan-yar Ah Oo Aan Awoodin In Ay Isbitaal Geeyaan Gabadhooda Yar Ee Inta Mudada Ah La Nooleyd Xanuunkaan Kasoo Wajahay Dhinaca Madaxa Kaas Oo Sababey In uu Madaxu Weynaado
Ayaa Si Wax Looga Qabto Caafimaadka Naciimo Waxaa Ay Hooyo Raxmo Kheyraad Cabdi Oo Ah Hooyada Dhashey Naciimo Burhaan Mahad Ay Umadda Muslimiinta Ah ka Codsatey In Ay Wax U Qabtaan Ayna Ka Samir Siiyaan Gabadheeda Yar Ee Ay Xiisaha U Qabto In Ay Maalin Aragto Iyadoo Lugaheeda Ku Socoto Awoodna U Yeelatey In Ay Fariisato Dhaq-dhaqaaqdo
Hooyo Raxmo Oo Ah Hooyo Haysato Shan Caruur Ah Oo Mid Ka Mid Ah Ay Tahay Naciimo Isla-Markaasina Kunool Guri Ka Sameysan Jiingad Oo Kiro Ah Ayaa Sheegtey In Ay Kunooshahay Daruuf Aad U Adag Oo dhinaca Nolosha Ah .
Waxaana Ay Hooyadaan Sheegtey In Ilmaheeda Aabahood Uu Yahay Qof Dhimirka La Oo Uu Xiligaan Ku Xiran Yahay Goob Quraan Saar Ah Oo Kutaalo Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Halkaas Oo Ay Kuhayaan Dad Ehel Ah Oo Ku Dadaalaayo Caafimaadka Odeygeeda .
Raxmo Kheyraad Cabdi Ayaa Umadda Muslimiinta Ah Ka Codsatey In La Gargaaro Hadii Ay Ahaan Lahayd Dhinaca Caafimaadka Oo Ay Ubaahan Tahay Gabadheeda Yar Iyo Sidoo Kale Dhinaca Nolasha Oo Ay Aad Uga Liitaan Qoyska .
Hadaba Umadda Muslimiinta Ah Ee Ilaahay Wax-Siiyey Ee Ka Danqanaayo Qoyskaan Tabaleysan Iyagoo Eegaayo Wanaagga Sadaqada Xili Lagu Guda Jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Qofkasta Oo Doonaayo In Uu Caawiyo Hakala Soo Xariiro Telefoonka Hooyo Raxmo Kheyraad Cabdi Oo Ah ::::—— 0616431230 Ama 0615687272 Oo Aan Anigu Wato Aana Doonaayo Inaan Caawiyo Walaasheen Muslimadda Ah.
Walaalayaal Caawiya Walaashiin Muslimadda Ah.
wwill

wiil

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.