Somali Care Foundation oo raashin u qeybisay qoysas ku nool Baardheere (Sawirro)

som

Somali Care Foundation oo fadhgeedu uu yahay Minneapolis ee Dalka Mareykanka ayaa maanta waxay deeq raashin ah ay gaasiiyeen Boqolaal qoys oo Barakacayaal ah,degana duleedka Magaalada Baardheere kana kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Bay,qaar ka mid ah Naafada degmada kuwaasi oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga nolosha ah.
Gargaarka raashineed ee la siiyey Qoysaskan oo tiradoodu ay gaareysay 240 qoys ayaa isugu irey Bariis iyo Saliid,Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha,waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob joog ka ahaa Maamulka degmada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha .
Sidoo kale Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashineed ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu wax weyn ka tarayo noloshooda waxuuna ku amaanay hay,adda Somali Care Foundation sida ay jawaabta ugu bixisey Baaqi qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyay.
Hoos ka daawo sawirrada
som

som

som

som

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.