Muuqaal:Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda, isagoo kala hadley arrimaha shaqada iyo sida ay howshu usocoto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha, waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaaradda loo nidaamiyey, waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.