Muuqaal+sawiro:Afur Loo Sameeyey Dad Danyar ah Oo Ku Nool Degmada Balan Bale

raashin

Hay’addaha #WARD iyo #OIC ayaa Afur u sameeyay 800 (Sideed Boqol) oo Qoys oo kunool Degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq Maalinkasta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.
Barnaamijka Afuri Dadka aan awoodin ee dadka Abaarta ku Ceyroobay iyo Dadka danyarta ah loogu sameenayo afur soconaya Bisha barakaysan ee Soonka kana soo bilowdey kowdii Bisha Ramadaan waxaana ka faa’iidaysanaya Maalin walba Caabudwaaq 450 Qof halka Balanbalana ay tahay 350 Qof
Mashruucaan Afurinta Dadka Sooman waxaa ku deeqay Xarunta Gar’gaarka Bini’aadnimada ee Dalka Sucuudiga waxaana Dar-dar galiyay Xarunta Xafiiska isbahaysiga islaamka OIC Waxaana Fuliyay Hay’adda lookalka ah ee WARD
Eng-Bashiir Axmed Jalato oo wakiil uga ahaa Hay’adda soo sadaqaystay Afuri walaalkaaga aan awoodin ayaa sheegay in Raashinkaan oo Bisil,Cabitaan diyaarsan iyo Dhamaan inta ugu wanaagsan ee Qof Sooman ku afuro loogu talagalay in uu ka socdo degmooyika Balanballe iyo Caabudwaaq ilaa bisha Ramadaan.
Runtii waa arin lagu farxo in ay helaan afur dadka ku cayroobey abaarta iyo dadka danyarta ah ee aan awoodin afurka Cid walba oo gacan ka gaysatay Mashruucaan ALLE haka ajarsiiyo Amiin Yaa Rabbi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.