Akhriso:Xildhibaanada Jubbaland oo Dhaliiley adag Usoo Jeediyey Madaxwayne Axmed Madoobe

madoobe

Ka dib Hadal dhawaan ka soo baxay Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Mamul Goboleedka Jubaland kaas oo uu ku fashiliyey Xukuumada Uu Hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxaa soo badanayey Xildhibaano raacsan Hadalka Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf kaas oo lahaa sameynta ugu balaaran iyo hadal haynta Deegaanada Jubalnd.

Xildhibaano ka tirsan Goloha Shacabka Mamulka Jubaland oo ku sugan Magalada Kismaayo ayaa Dhaliilay Madaxweynaha Jubaland taas oo ay ku tilmaameen in uu yahay kaligi Talis Qabiiliiste ah islamarkaana dhumsaday Dhaqaale Badan oo Wax loogu qaban lahaa Mamulka Jubalnd.

Xildhibaanadaan oo ka gaab Saday In la Xigto Magacyadooda ayaa si isku mid ah u dhaliilay Xukuumada Axmed Madoobe waxana ay sheegeen in meelaha ugu badan ee ay dul duleeladu ka jiraan ay tahay Cadaalad Daro Ku salaysan Hab qabiil oo uu Madaxweynaha Raali ka yahay.

Waxa ay Xildhibaanadan intaasi raaciyeen Askarta Iyo Masuuliyiinta Beesha Axmed Madoobe ay si bareer ah u Boobaan Hantida Ma guurtada ah ee Magalada Kismaayo taas oo Dad Masaakiin ay lahaayeen waxaa kale oo ay si isku mid ah u cadeeyeen Shaqo kasta hadii ay noqoto Mid Hay’adeed iyo Mid Dowliba loo ogol yahay Beesha Madaxweynaha Jubaland taas oo sababtay in dhalinyaro badan oo reer Jubalnd Ab islamarkaana leh aqoon kuna soo wax bartay Kenya iyo Gudaha Dalka ay Shaqo la’aan Baahsan ku Hayso Magalada Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa sheegey in aysan Saxaafada Ka soo Hormuuqan karin iyaga oo ka hadlayo Caqabadaha Xukumada ee U baahan Saxida taasna qeyb ay ka tahay Dhaliilaha Madaxweynaha Cunsuriga ah ee Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale ay soo hadal qaadeen Xubnahaan Ka tirsan Golaha Barlamanka Jubaland Mar un in ay ka bixi doonan Magalad Kismaayo Islamarkaana ay Saxaafada ka soo Dhex Muuqan Doonan Sidii Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka hadlay Xaqiiqda ka jirto Jubaland.

Hadalka Xubnahan Ka tirsan Golaha Barlamanka Jubaland ayaa Daba Socdo Warsaxaafadeed uu Soo saaray Xildhibaan Maxamed Cali Yuusu.

Hadal Haynta Wali ka taagan Siyaasiinta iyo Quburada Daynayso Arimaha Mamulka Jubaland ayaa ahayd Hadal Dhawaan uu Saxaafada ka Hor Akhriyey Xubin ka tirsanaa Golaha Barlamanka Jubaland kaas oo soo bandhigay war Bixin xanaf iyo Xamaasad Xanbaaarsan islamarkaana Dad badan oo reer Jubaland ah ku Baraarugeen sidoo kalana ay Hurdada Kaga tooseen Xildhibaanada Jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.