Ra’iisul Wasaare Soomaliya oo Muqdisho ka Furay Imtixaanka Shahaadiga ah

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay qaadeyso.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay 23-kun, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.