Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Shir Hor-dhac ah oo London ka furmay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta ka qeyb galay Shir hor dhac ah oo ka furmay Magaalada London islamarkaana u dhexeeyay Qurbajoogta Soomaalida iyo Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya islamarkaana Doorkiisu yahay sida ugu Macquulsan ee Qurbajoogta ay uga qeyb qaadan karaan Hormarinta Dhaqaale ee Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaba gabadii kulanka Qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Muhiim ay tahay in Qurbajoogta Soomaalida ay Maalgashi ku sameystaan Dalka si dhaqaalaha Soomaaliya uu Sare ugu kaco loogana baxo Saboolnimada.

far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.