Caqabadaha Haysta Wariyaasha Madaxa Banan ee Jubbaland

isgaarsin

CAQABADAHA HAYSTO WARIYAASHA MADAXA BANAAN EE JUBALAND
Jubaland waxaa ka jirto warbaahin la caburiyey oo aanan ku shaqeynin xeerarkii iyo mabaadii’dii ay warbaahintu lahayd , Taas bedelkeedana waxaa ay waxaa ay ku shaqeysaa warbaahinta fikirka maamulka jubaland cabsi ay ka qabaan in uu maamulku waxyeeleeyo.
Arintaasi waxaa tusaale u ah in ay jiraan wariyaal badan oo la xirey dhinaca xoriyatul qoylka iyo tabinta warar ay bulshadu u baahneyd balse maamulku uu u arkaayey in aysan danihiisa ka dhex muuqan waxaana sidoo kale raacsaneyd in ay jireen wariyaal ka cararey jubaland sababna uu u ahaa maamulka
Xarigga wariyaashaas iyo kuwa la cayriyeyba wadada uu maamulku u maraayey waxaa ay ahayd mid qabiil oo qayaxan iyadoona loosii maraayey waan ka shakiney iyo waxaan ooga baqney in uu gacan saar laleeyahay kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamo soomaaliya waana arinta ugu badneyd ee lagu baneysanaayey waxyeeleynta sumcaddooda / sharaftooda iyo naftooda
Inta badan ciidamada iyo shaqsiyaadka sida gaar ka ah u bartil maameysanaayey wariyaasha waxaa ay si toos ah u hoostagaan madaxweynaha jubaland Axmed Madoobe waxaana laga xusi karaa ciidamada loo yaqaano nabad-sugidda ama ( p s ) iyo dad ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta jubaland c/nuur cali aadan agaasihii hore ee wasaaradda haatanna ah agaasimaha waaxda warbaahinta c/naasir saxan saxo iyo sidoo kale Maxamed sabriye (Basaam) oo ah ninka dhinaca warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada jubaland .
Dhamaan ciidamada iyo shaqsiyaadkaasi kor ku xusan Tilaabooyinka ay qaadeen waa kuwo ku saleysan qaab qabiil iyo caatifad .
Madaxweynaha jubaland waa mid ilaa iyo haatan aan warbaahinta la kulmin lana sheekeysan korna ka daawanaayo dhamaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka loogeysanaayo wariyaasha ayna ku hayaan rag warbaahinta ku jira iyo kuwo ka madax banaan oo ay isku reer yihiin uuna raali kaga yahay waxa ay sameynayaan sida muuqato maadaama ciidamada iyo shaqsiyaadka kale ee dhibaatada geysanaayo ay si toos ah uga amar qaataan madaxweynaha .
Waxaa jira urur ay leeyihiin wariyaasha madaxa banaan laguna magacaabo ( JIJA ) Tan iyo intii uu maamulka jubaland qabsadey kismaayo waxaa xukunka ururkaas isku bad-badalaayey rag ay madaxweynaha isku hayb-yihiin laakiinse markii maanta la isku dayey in talada ururkaas ay qabtaan beelo kale waxaa dhacdey in uu maamulka jubaland is-hor istaag ku sameeyey iyagoo adeegsanaayo wasaaradda warfaainta jubaland uuna wasiirka warfaafinta oogu gacan qaadey arinta dhismaha ururkaas qaar ka mid ah raggii wadey in ay meesha ka saaraan arimahaas midab takoorka ah ee laga soo abaabulaayo madaxtooyada jubaland qaar ka mid ah ragaasna ay ciidamada ugu daateen xili habeynimo ah guryahooda si loo dhimaateeyo loona dilo , Ilaa hada arimahaas waa kuwo iska taagan dhowr jeer oo ay wariyaashu isku dayeen in madaxweynaha kala hadlaan arimahaas waxaa is hor istaag ku sameeyey ragga u qaabilsan dhinaca cunsuriyadda ee taagan albaabka hore ee madaxtooyada .
Hada wariyaashu waxaa ay noqdeen kuwo u kala taagan reer reer iyo koox kooxaysi madaxweynuhuna indhaha ayuu ka daawanayaa arintaas
Dhibaatada wariyaasha haysato iyo cabsida ay maamulka ka qabaan waa kuwo u e kaadey ciidan u shaqeeyo axmed madoobe tabiyana wararka uu rabo ookali ah
TV-GA jubaland magac ahaan waa mid u dhexeeyo bulshada reer jubaland laakiinse taasi hada ma muuqato waayo TV-ga waxaa u shaqeeyo ku dhawaad shaqaale gaaraayo 300 oo isugu jira wariyaal waardiye yaal iyo shaqaale kale , Dhamaan sahqaalahaas waa habeybta madaxweynaha marka laga reebo wax ka yar 8 qof
Bajadkii warbaahinta ee ka imaanaayey Dowladda dhexe , maamulka jubaland , hay’adaha taageero warbaahinta ,iyo sidoo kale tababaradii ay wariyaashu ka faa’iideysanayeen waxaa isku e keeyey wariyaan iyo shaqsiyaad gaar ah oo madaxweynaha ay isku reer yihiin oo loo fududeeyey .
Warbaahinta gobolka gedo oo hoos-timaado maamulka jubaland waa mid la iska hilmaamey oo aanan qorshaha ugu jirin wasaaradda warfaafinta jubaland iyo sidoo kale madaxweynaha jubaland .
Sidii loo doortey madaxweynaha maamulka jubaland iyo sidii loo magacaabey wasiirka warfaafinta jubaland wax kulan ah oo ay wariyaasha madaxa banaan la yeesheen ma jiro waana masuuliyad xumo .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.