Maalinta Xuriyada Saxaafada Aduunka oo ku beegan 3may ayaa lagu qabtay Magalada kismayo.

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay islamarkaana uu soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliyed ee Nusej Maahir Jaamac Aadan sidoo kalana ay ka soo qeybgaleen Wasaarada Warfaafinta Jubaland oo uu ka socday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Jubaland Salaadiin Ururada Bulshada Rayidka ah Qeybahooda kala duwan Saxafiyiinta ku dhaqan Magalada kismayo iyo Marti sharaf kale ayaa Waxay ahayd mid loogu xusayey Maalinta Xuriyada Saaxafada Aduunka oo ku beegan 3 Bisha Mey.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliyed Ee Nosej Maahir Jamac Aadan ayaa furey Munaasabada 3 May oo ah maalinta Xuriyada Saxaafada, G/miyaha ayaa soo jeediyey Khudbad dheer oo ku saabsan Xuriyada Saxaafada Aduunka Gaar ahaana Somalida Gudoomiye Maahir ayaa ugu Hambalyeeyey Saxafiyiinta Somaliyed maalinta Xuriyada Saxaafada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Jubaland kaa oo sheegey in u aad ugu farax san yahay ka soo qeyb galka Xuska Xuriyada Saxaafada Aduunka isagoona u mahadceliyey Saxafiyiinta Somaliyed.

Qaar ka mid ah Saladiintii ka soo qeyb gashay ayaa soo dhaweysay Xuska Munaasabada Maalinta Saxaafada.

Qaar ka mid ah wariyaasha ayaa dhankooda ka hadlay shacuurta Maalinta weyn Ee xuriyada Saxaafada iyagoona sidoo kale Hambalyo u diray Saaxibadooda kale ee ka howl galo Caalamka Gaar ahaan Somaliya.

Waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo Saxafiyiinta Somaliyed Mel kasta oo joogtiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.