Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha Somalia ayaa manta gaaray magaalada Cadaado

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug oo la filayo in Berri ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug, Wafdiga ayaa waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Ujeedka Wafdiga ayaa ah in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Berri oo Arbaco ah ka dhici doonta Magaalada Cadaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.