Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kula dar daarmay NISA dar dar galinta sugidda amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.