Bulshada Baladxaawo oo dacwo kadhan ah Maamulka B/xaawo Ugudbiyey Dowlada Soomaliya

xayd

Ku: Madaxweynaha dowlad federaalka somaliya
Ku: Reysal wasaaraha dowlada federaalka somaliy
Ku:Gud/ baarlamaanka federaalka somaliya

Ka:Shacabka dagan degmada B/xaawo
Salaan kadib
waxaan dacwo u nahay dowlada federaalka soomaaliya
Waxaan ka dacwooneynaa maamulka degmada baladxaawo oo uu gudoomiye u yahay Maxamuud xeyd Dhibaatada aan ka ashtakooneyno ayaa ah in maamulka degmada uu bilaabay inuu tirakoob ku sameeyo qoysas dagan degmada baladxaawo
waxaana naloo sheegay inaan ku jirno gudaha xadka kenya khaladna aan ku daganahay,
waxaa kaloo naloo sheegay in guryaheena la burburin doonoo Maalmaha soo socda,
Qoysaska dhibaatadan ay saameyneyso ayaa gaaraya 350qoys
Mana jirto xaduud aan kenya ka daganahay ama kaga jirno
Anagu soomaali ayaan nahay dhul soomaaliyeedna waan daganahay.

Tankale anagu dowlad ayaan leenahay iyada ayaana shacab u nahay wixii dowlada kenya iyo somaliya aysan isla ogeyn in gudoomiye degmo nagu amar ku taagleeyo heshiis gaar ahna uu la soo galo dowlada kenya waxaan u aragnaa khalad iyo khiyaano qaran sidaa daraadeed waxaan dooneynaa in dowlada federaalka somaliya ay arintan sida ugu dhakhsiyaha badan usoo faragaliso

Waxaa kaloo jira in shacabku uusan xor aheyn banaanbaxna aan la sameyn karin qofna uusan soo hadal qaadi karin waxa dhacaya
sidaa daraadeed dowladu waa iney si dhakhsa ah wixii kaga aadan ka qabataa.
Mahadsanidiin

2 Comments

  1. Kenya dhulkeeda iyadaa leh reer Belet xaawo dhulkooda ayey leeyihiin.

    Kenya kymaxadgudbikarto dhulka soomaaliyeed.
    Reer Beletxaawo ninkii meel qaldan guri ka dhistey nagtiisa ha Eedo cidna yuusan eedin

  2. Reer Beledxaawo si wanaagsan: Laakiin waan ka xumahay inaanan lahayn dowlad awood uleh in ay shacabkeeda kadifaacdo dowlado kale oo kusoo xadgudbayo. Waxaa ay dowlada hadajirtaa awoodeedu gaari la’dahay in ay Dowlado shisheeye oo dhexdagan madaxtooyada Soomaaliya ka dhex saarto. markaa lagama rajeyn karo in ay ka saarto mid cirifka dalka ugu dambeeya inyar ka soo gashay.
    Sidaas daraadeed tani waa dhibaato kamid ah dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay dowladla’aanta,
    fadlan aan u wadaguntano sidii aan dowlad awoodleh ku yeelan laheyn, Ogaada Cudurka ugu weyn ee naga hortaagan in aan dowlad awoodle helno Waa QABYAALADA,

Leave a Reply to Soomaali-doone -Mahdi Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.