Madaxweynaha Puntland Oo Ka Soo Dagay Garoonka Gaalkacayo

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 12 April 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, cuqaasha iyo waxgaradka Magaaladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.