AKhriso:Dowladda Soomaaliya oo shacabka usoo dirtay Fariin Muhiim ah

ciidan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa shacabka Soomaaliyeed inay u dulqaataan ciriiriga dhanka Waddooyinka, maadaama beri loo dabaal degayo maalinta la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa shacabka looga codsaday inay muujiyaan dulqaad maalinta beri ah oo ay ku beegantahay 12-ka April, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida.

12-kii April sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana maalinta beri ah ay ku beegantahay xuska 57-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka, kaasi oo la filayo in looga dabaal dego guud ahaan dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.