Midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya waa Muqadas aan lagu Xadgudbi, waa Heshiiskii Soomaliya Imaaraadka Carabta

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya ay tahay Muqadas islamarkaana aan lagu Xadgudbi karin.amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Sheekh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.