Dareen la,aanta shacbiga iyo khatarta madaxweynayaasha gobolada. W/q Jimcaale

jim

Waa arin u baahan in aan gadaal wax u fiirino,waa dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladu dalkayaga Soomaaliya u geesatay mid ka mid ah,taas oo mar kasta cadawgayaga oo si quta dheer noo dersay aadna noo fahmay noo adeegsado mar kasta ,hadbana dhinaca aan u nuglaano u weeciyo si aanaan u soo kaban dib danbe.

Ma u ma laynaayo in dhibaatada qaran kayagii ku dhacday cidina moogtahay in ay qabyaaladu sabab u ahayd ,waana hubkii cadawgu si hawl yar u adeegsaday in uu gacmahayaga u adeegsado burburintii qarankii ka midka ahaa Afrika awoodaha ugu xoogga roonaa oo aan cidina hawaysan jirin in ay dhulka ,bada iyo hawadiisa ku soo xadgudubto.Bal aan eegno si dhibaatooyinku u sii kordhaan xeeladaha cadawga ummadda Soomaaliyeed hadba noo maleegayey.

1-waxay abuureen dagaaloogayaal iyo koox diimeedyo si ay necayb iyo sii kala fogaansho ka dhexsameeyaan dadka Soomaliyeed.

2–Shirar dabada dalka lagu qabtay sida Adhis Ababa iyo neyroobi oo nala ku sii kala fogeeyey ayyada oo qabyaalada loo sii kabagalinaayo ilaa nala gaarsiiyey isma aamini kartaan qaran mideysana ma wada dhisan kartaan,kuwii aan bulshadu dirsan ee meelahaas tegay arintaas waa noo soo qaadeen ,waana laga saxiixay.

3-Markii meeshaas lagu hubsaday waxaa loola soo baxay Federaal danta laga lahaa ahayd xaalada aan manta ku sugan nahay ee ahayd lix qaybood oo aan midna tan kale ku xirneyn amarna kala qaadan lagana hogaamiyo Adhis Ababa iyo neyroobi.

4-Markii dhinac kasta naloo dilay dalalka deriska ah oo waxa na dhexyaal aan og nahay ciidamadooda bay dalka soo geliyeen ayyaga oo gacansaar la samaystay Madaxweynayaasha faraha badan ee gobolada calamada kala duwan surtay.

5-Maanta waxay mareysaa markii la hubsaday in dareenkii iyo niyadii shacbiga ee waa noolayd si dhab ah u dhimatay in madaxweynayaasha kuwa sheeganaaya ee jooga goboladu ay gataan oo shisheeye ka iibiyaan Ilihii dhaqaalaha ee ummaddu lahayd kuwii ugu muhiimsanaa si aan dawlada iyo shacbiga midna uga faa,ideysan ,qarankuna dib u soo kaban, ilayn dhaqaala la,aan dal ma dhismi karee.

Isku soo wada duud iibsashada dekadaha Berbera iyo Boosaaso oo shisheeyaha loo gacan geliyey mudo dhan 30 sano iyo 25 sano iyo saldhigyo Militarey ee goobahaas ka samaysma waxaan u arkaa masiiba qaran oo dhibka hadda na haysa ka culus kana khatar badan laba sababood awgood,waana arin mudan in shacbigu ka dhiidhiyo oo diido qayma kasta hawgu kacdee.

1-Marka ugu horeysa dhaqaalahii dalka Soomaaliyeed lagu dhisi lahaa oo bulshada wax loogu qaban lahaa in dal kale lagu dhiso ma danbaa noogun jirta?arintu waa saas dhaqaalaha dalkayaga in dal kale anaguna aan ka aradnaano,waana faa,idada qabyaalada wax isku quuri waagu.

2-Marka labaad saldhiga military ee meelahaas ka samaysma waxaa loo adeegsanayaa waa dagaal ,dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya khatar bay gali doonaan,waxaana ugu horeyn doona Berbera iyo Boosaaso(Reer ba,ow yaa ku leh),wax yar oo balaayo ka denbayso yaan dadka shacbigaahu yeelin in laga gado oo horumar loogu sheego(mar kale aan idin xasuusiyo oraahda guunka ah ee AUN suldaanku nooga tegay(Berbera wax go, lagu qaato ka weyn).Aaa ku soo gabagabeeyo dadka Soomaaliyeed ha baraarugo oo indhaha ha furo hana garto in marxalada manta aan mareyno ay tahay tii u liidatay ee abid na soo marta ,waana joognaa markii aan dareemi lahayn federal iyo madaxweynayaasha aan rabitaanka shacbiga ku imaan ee aanaan dooran khatarta ay qof ahaan iyo qaran ahaan noo leeyihiin. Bal eega nimanka beecinaaya dekadaha ma waxay tahli waayeen in ay sameeyaan goobo karantiil ee dadka daacuunku haleelo lagu karantiilo deg degna loogu daaweeyo,uma muuqato waxaa uga weyn in ay diyaarad saran aadaan oo nin

kasta oo dan naga leh ayyagu ka daneystaan.Wa qokii hadlana waa Cabdiwaalig Coldoone ku quusta. bilaahi towfiiq

W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.