Dawlad Goboleedyada ma is dhehdeen waxaa dhaamay Dagaaloogayaashii.! W/Q Jimcaale

jim

Waxaa hubaal ah burburkii dawladii dhexe ee Soomaliya waxaan soo marnay marxalada dhawr ah oo dhamaantood xanuun badnaa,markastana wadanigu ka welwelayey aayaha danbe qaranka Soomaaliyeed,waxay ahayd waqti kasta oo ina soo dhaafay falaar wadnaha ku taagan ee aan ka fuqin marnau ahayd wadaniga rajada ka qabay in uu arko wadanka oo sidii hore ku soo laabta,leh kala danbayn.sharci shaqeeya iyo awood cadawgu ka baqo.

Waxaa naloo kala furfuray qabaa,il kala qaybsaday goboladii dalka oo ay horboodayeen raggii aan u bixinay dagaaloogayaal ama qabqable dagaal,waxaan ku masali karaa in qaranku ahaa libaax baqtiyey oo weli humaagiisa laga baqayo dhimashadiina la aamini la,yahay,dawladaha deriska ah kuma soo dhiiran jirin in ninba meeshii uu goostay ay soo galaan,ayyaguna waa iskala weynaayeen intooda badan in ay miciinsadaan cadaw ay u warhayeen in uusan arxan u gelayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed,ilaa ay ka hoos kaceen kooxdiimeedyo anan garan Karin ujeedadooda iyo cida ay u adeegayaan,waayo waxaan hubaa qodobka joogsiga leh ee ah dalka in lagu xukumo diinta islaamka uma baahna manta in dhiig la daadiyo,waxay rabtaa wacyi gelin aan is leeyahay waaba loo bisilyahay maanta ,intii aanu qaadi lahayn tilaabooyin cadawgu noogu soo marmarsoodo asaga oo ka faa,ideysanaaya tabardaradayada.

Waxaa iyadana jirtay dawladii KMG ahaa ee ka horeeyey midaan federaalka aan shacbigu dooran u xuubsiibatay oo wax lataaban karo aan soo kordhin oo faa,ida ah laakiin furay khatarta dawladaha deriska ah albaabkooda oo naga xirnaa waqtigii dagaaloogyaasha,

Aan u daadago dulucda qormada ee ah federaalka iyo dawlad gobolyada oo iila muuqday in ay ka liitaan dagaaloogayaashii,sababta oo ah annaga baa dhib isku haynay ee cadaw na maamulan mayn,waxaana qabnay rajo ah in aan mar un heshiin doono oo cagaheena kun istaagi doono.

Bal ila eega kuwa madaxweynayaasha sheeganaaya ee ninba dalkii qaar goostay oo xarumaha dawladaha aan deriska nahay aan ka faaruqin,ma masiirkii shacbiga ay matalaan baa neyroobi iyo Addis dhexyaal,waxa kaliya oo

ay soo kordhiyeen sow ma noqon in ninba inta uu haysto beeciyo khayraadka ku jira iyo ilaha dhaqaalaha shalay Berbera maantana Boosaaso,ayyaga oo weliba ka sheegaayo warbaahinta in ayyan dawlada federaalka ah waxba ka weydiineyn waxa ay ka samaynayaan gobolada ay maamulaan,miyeysan Madaxweynayaasha batay noogu muuqan in ayan ogolayn dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda isku taagta,kuna shaqaynayaan casharo ay u soo meeriyaan cadawga dalkaani leeyahay,baarlamanka federaalka oo aan la soconay sidii uu ku yimid, intii uu ku mushquuli lahaa khatarta iyo dhibaatooyinka u baahan dalka in laga badbaadiyo,waxaad moodaa sidii awalba la dareensanaa in uu u shaqaynaayo cadawga dalkaani leeyahay ,waxay qaadayaan tilaabooyin sida laga soo tebinaayo aad moodid in ay niyadii shacbigu dawlada cusub ku soo dhaweeyeen ay danbas ku shubayaan si ay qalbi jab ugu ridaan isla markaasna lugaha ku dhegaan dawlada jirta labada bilood ee aan wasiiradeedii xilalkii la wada wareegin,waxaa jira kuwo wax qora oo marna aan wanaaga ka shaqayn oo aan is iraahdo cadawga ayaaba adeegsada oo balaayo un sadaalinaaya.Fadlan ku musquula waxa wanaagsan,kheyrka sadaaliya niyada dadku waa fiican tahay,dawlada cusubna la shaqeeya dhaliisheeda lama gaarine/W.Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.