Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Lacag ku wareejiyay gudiga Abaraha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guddiga abaaraha ku wareejiyay lacag loogu talagalay qoyska Madaxweynaha, taasi oo uu Madaxweynuhu u gartay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu ku saameysay gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalay barnaamijka Gurmad Walaal ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay lacagtan ku timid.

“Sheekh Nuur waxaan rabaa inaan ku sheego Madaxweynaha ayaa ila soo hadlay, nin ganacsade ah ayaa u keenay lacag dhan 30 sodon kun oo dolar oo qoyskiisa loogu talagalay, Madaxweynuhu waxa uu igu soo wareejiyay lacagtaas si loo siiyo dadka ay abaartu heysato, anaguna waxaan rabaa inaad iga guddoontaan lacagtaas oo aad gaarsiisaan dadka loogu talagalay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya waxaa kaloo usheegey lacag dhan 300 boqol oo doolar oo Dahabshiil ku deeqday iyo 2.5 tan oo daawo ah oo Turkiga ku deeqeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.