Daawo:Ra’iisul wasaare Khayre oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee hey’ada socdaalka iyo jinsiyadaha.

Ra’isul wasaaraha Dowladda Fedraalka Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Dhismaha cusub ee Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Soomaliya oo laga hirgelinayo nawaaxiga Madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Dhagax dhigga Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi ) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakisha NISA, Guddoomiyaha Degmada Waabari iyo Masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.