Xildhibaanad Sagal Biixi oo Lacag ugu deeqday abaaraha

sagal

Xog rasmi,ah oo aan ka helay ilo ku dhaw dhaw Xildhibaanad Sagal Isaaq Biixi oo kamid ah,Baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegeysa in xildhibaanadda ay,deeq lacageed u dirtay Degmada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Lacagta deeqda ah ee ay Xildhibaanadda dirtay, ayaa la iisheegay in ay gaareyso ilaa $4,000 oo Dollar.

Ujeedada lacag dirista ayaa ka dambeysa, abaaraha kajira Gobolka iyo si gaar ah Degmada Garbaharay oo uu ka dilaacay cudurka Daacuunka.

waa Mudanihii/Mudanadii ugu horeysay ee laga oo doorto Gobolka Gedo ee Jubbaland oo kamid ah Gobolada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen, oo u damqatay Bulshada ay matasho oo,ay,isugu,darmeen Colaado aan dhamaan iyo Abaaro lixaad leh oo soo laalaabta.

Garbaharay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dilaacay Cudurka Shuman Biyood oo saameeyeey tiro dad ah oo degmadaas iyo hareeraheeda ku,nool, kuwaas oo qaarkood ay u geeriyoodeen cudurkani daacuunka ee Deegaanka ka dilaacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.