R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu darsameen abaaro iyo shuban biyood.

Ra’iisul Wasaaruhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.

Ugu danbeyn, Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka. Isagoo dhinaca kale tilmaamay in wadajir loogu duceeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in ALLE uu ka qaado colaada iyo abaaraha soo noq-noqday.
khayre
khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.