
Xarun loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadka Shabaab ayaa laga hirgeliyay magaalada Kismaayo, Hirgelinta xaruntan waxaa si wadajir ah isaga kaashaday hay`adda Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG) oo ah hay`ad hoos tagta xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.
Xaruntan waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Mohamud Sayyid Adan iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxa hay`adda Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG), Staffan Tillander, iyo safiir ku xigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.
Leave a Reply