Daawo:Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaliya oo fariin Muhiim ah u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaliya

saacid

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa fariin Mahiim ah u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan dooranaya madaxweynaha dalka, Ra’iisul wasaarihi hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ka fakaraan shaqsiga sanadkaan ay u dooranayaan hogaanka dalka Soomaaliya, Wuxuu u sheegay xildhibaanada baarlamaanka in gacantooda uu ku jiro masiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay ka fakaraan shaqsiga noqonaya hogaanka dalka Soomaaliya waana inay muujiyaan taxadar badan iyo dulqaad, maadaama ay dooranayaan madaxweynaha dalka hogaaminaya afarta sano ee soo socota.
Hoos kadaawo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.