Galmudug iyo xaaladda ka soo cusboonaatay W/Q Ustaadka Ummadda

ustaad

“Galmudug iyo xaaladda ka soo cusboonaatay “…

” Muuqaalka hoos yaal daawade haddaad fiiriso waxaa kuu muuqanaya waji bini’aadam, laakiin markaad dhab ugu sii dhabagasho waxaad markiiba dareemi kartaa innuu waxa kuu muuqdaa yahay siijeedka maro ( Surwaal loo ekaysiiyay muuqaal bini’aadam) “…..

” Deegaanada Galmudug maahan mana dhici karto in lagu hogaamiyo muuqaal ka gadisan midka dabeecada shacab keeda iyo kan taariikhda Juquraafi ee ay lee yihiin gobolada dhexe “…..

” Dhabtii shacabka gobolada dhexe maahan mana laha taariikh ahaan dhaqan qaadan kara in humaag iyo bidhaan dhaan dabangaale looga dhigo mid dowladdeed sidda shacuubta qaar keed loo dardaray “…

” Ma rabo innaan dib idiinku celiyo oo waad ka dheregsan tihiin qaabkii loo aasaasay amma ay ku dhisantay Galmudug hadday tahay dastuur iyo hadday tahay waxay rabeen bulsho ahaan shacabka dega Gobolada dhexe ee reer Galmudug oon annigu ka midka ahay, Juquraafi ahaan inta uu maamulku maantay ku shaqeeyo waxa loo yaqaan ( De facto ) waad garan kartaan inta uu la’eg yahay oo uu gaarsiisan yahay oo uu ku shaqeeyo iyo sidda uu uga shaqeeyo , taasna waxaan ka wada dharagsan nahay sidda aan la isugu hawlin iyo waliba sidda shacbigu u danaynayeen in la ballaariyo maamulka lana saxo mugdiyaddii wax ku biloowdeen ( Tusaale Xaruntii gobolka, ilaa Matabaan, dhankaan Waqooyiga Galguduud, dhinaca kale Ceel-Buur iyo Ceel-cade Dheere ilaa Galguduudda hoose midna kama shaqeeyo maamulka, kaliya waxaa lagu ekeeyay Gaalkacyo oo laga lahaa ujeedo kicin bulsho oo lagu doonayay in lagu sii jeediyo oo lagu jahwareeriyo Bulshada si loo dheereeyo xukunka leg Wajiga marada iyo Cadaado iyo Hobyo oo laga lahaa ujeed dhaqaale iyo mid siyaasaddeed oo waaka dharagsan nahay in Cadaado laga lahaa ujeedo soo xulasho Xildhibbaanno Dadban “….

” Labbadii sir u heshiisa saaq bay u ciloobaan “….

” Maantay Mooshinka waxa hoosta ka wadaa waa Madaxweyne Xassan Sh, kadib markii Madaxweyne Guuleed ballantii uga baxay ee uu ka raacay xulufada huwanta ah ee uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Xassan iyo Guddoonka Baarlamaanka cusub Xildhibbaan Xidig “…

” Sir ma qabe allaa u sahan ah”…

” Shacabka sharafta badan ee reer Galmudug uma baahna hogaan waji maro ah leh ( Madax aan wax tarayn meeshana ka tagayn “….

” Waxay haleen maantay fursad alle ugu hiiliyay oo ah humaagii dhaan dabangaale in alle u kashifay, oo sidday ugu liseen shalay aan maantay loogu hambayn, waxaanna la gudboon innay kacdoonka ay maantay fahmeen Xildhibbaanada aysan dhicisayn ee laga dhabeeyo Kacdoonka oo la hirgaliyo Isbedel aan ku imaan xinif iyo is hayn qofeed, ee waxaa loo baahan yahay mid ku qotoma oo ka turjumaya arragti bisil iyo siyaasad fadhida oo qodo dheer kana curatay oo ku curatay dareenka shacabka Galmudug, taas oo lagu soo celinayo awoodii shacuubta Galmudug, wax la qabtana waa in laga bilaabo isbadal dhab ah iyo in la isku baadi goobo dhamaan deegaanada Galmudug “…

” Isbadalku waa furaha horumarka iyo dhidiba u aaska taaba galisa dastuur xoog leh iyo siyaasad degan “…

” Madax wareegaysa oo qandaraasyo waqtigoodii ku dhumiyay oon kuma hakan Galmudug, waa innoo dhaanta kuwo noo maareeya maamulka miisaaniyadda deeganadayada kadibna ku raadiya waxii lagu xoojin karo, madax kula waxay ku jeer dhamaan madax kaa nool “…

Gunaanadkii: Kacdoonka isbedelka Galmudug maahan mid la beenayn karo waa nabar la filayay naxdin maleh, waxaan kula talinayaa Xildhibbaanada Galmudug ee deeganada matalaa innay u daneeyaan shacabka lana badbaadiyo Galmudug innay burburiyaan shaqsiyaad u yimid dantooda ee aan u danqayn dareenka iyo arragtida shacabka.

Maamulada kale iyo dowladda dhexe waxaan kula talinayaa innaysan faragalin maamulka Galmudug, loona daayo dastuurka iyo Xildhibbaanadu waaku filan yihiin siyaasadda iyo xasiloonida Galmudug.

Fg: Fadlan aqristoow haddii ay lacala dhacdo innay kugu xambaarto innaad nala wadaagto arragtidaada fadlan ha noqoto mid hufan.

Mahadsanidiin,

Ustaadka Ummadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.