FAALLO: MAXAA U DAMBEEYAY SOOMAALIYA? W/Q Barkhadle Yare

Dalkii La Oran Jirey Soomaaliya Waxaa Uu Ka Koobnaa 18 Gobol Waxaa Uu Lahaa Hal Madaxweyne, Hal Golle sharci Dejin Iyo Hal Ciidan oo qura Maanta Warka Halkaa Waa Uu Ka Sii Weyn Yahay
18-kii Gobol Ee Dalka Waxaa Maamula Toddobo Madaxweyne, Golleyaal Sharci dejin Iyo Ciidamo Kala duwan Oo Magacyo Fara Badan Leh Umada Waa Umadii Soomaaliyeed.
Gobolladii Ayaa Loo Kala Qeybsadey Ismaamul Gobolleedyo Oo Salka Ku haya Qabaa’il Iyo Deegaan Kala gurasho , Ummadii Wax Ku Kala Qeybsan Jirtey Magaca Soomaalinimada Ayaa hadda Ku Kala Baxa Maamul Goboleedyo Asal Ahaan Marka Loo Eego Qabiil Salka Ku haya.
Somaliland, Puntaland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug Iyo Khaatuma State, Ayaa Loo Kala Bixiyey Gobolladii Dalka Waxaa kala Xukuma Madaxweynayaal Baarlamaano Waxayna Leeyihiin Ciidamo Kala Duwan Oo Magacyo Loo Kala Bixiyey, dadku waa walaalo laakiin waxaa lagu yidhi mid walowba ka kale ayaa kugu cadow ah.
Marka La Iskugu Yimaado Shirarka Wada Tashi Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Hogaamiye Kasta Waxaa Uu Ka Doodaa Danihiisa Gaarka Ah Mana Jirto Cid si Guud Uga Hadleysa Danaha Guud Ee Ummada
Dowlado Kala duwan Oo Caalamka Ah Oo Arrintaasi ka Faa’ideysanaya Kuna Soo Gabanaya Taageerida dadka Soomaaliyeed Iyo dib U Soo Celinta Amnigii Iyo Kala Danbeyntii Dalka ka Jirtey Ayaa Waxaa Kala Taageereen maamuladii Jirey, mid walba dhinacooda ayay ula faqaan kuna qanciyaan inuu Somaliya Maamulkiisu ugu sareeyo ayna taageersanyihiin, laakiin qorshuhu sidaasi waa ka duwan yahay oo waxaa la kala dhex dhigay qori dab leh.
Dowlad Kasta Waxaa Ay Daneyneysaa Qeyraadka Dalka Waxaa Ayna Dadaal Ku Bixineysaa Dayactirka Iyo Dib U dhiska Xarumaha dowlada Iyo Meelaha Muhiimka Ah, hadda ma wado dan Soomaali ee waxay wataan dano gaar ahaaneed.
Sanad Walba Waxaa Tababar Loo Xiraa Loona Furaa Ciidamo Ka Tirsan Xooga Dalka soomaaliya Ilaa Iyo Haddana Ma Jirto Ciidamo Tayo Leh Oo Maanta Lagu Aamini Karo Amniga Iyo Deganaashaha Dalka, waxay la dagaalamaan Soomaali, waxaa qoriga loogu dhiibay Soomaali, midka soo tababaray ee soo hubeeyay Dhinacyada kalena Isagaa Taageera oo sidaasi si la mid ah u hubeeya.
Ku Dhawaad Lix (6) Dowladood Ayaa Ciidan Kooda Ku Sugan yihiin Soomaaliya Kuwaa Oo Qaarkood Dalalkooda Deganaasho Aanay ka Jirin Maanta Waxaa Ayna Joogitaanka Dalka Ay Ku Qaataan Lacago Badan Oo Muwaadinka Soomaaliyeed Xitaa Helin, Haddii askariga Soomaaliyeed la siinayo Mushaharkaasi iyo dhalinyarta Soomaalida waxay ilaashan lahaayeen Nabada iyo dhulkooda ee iyagu cadow iskamay dhigteen.
Kuwa Ina Hogaamiya Maalin Kama Aysan Hadlin Lacagahaasi Ay Qaataan Ciidanka Ku Mideysan Magaca AMISOM oo waxaad moodaa inay usoo heshiiyeen shacabka Muddo ka badan 25ka sano qaraxa, dil iyo rasaastu argagaxa ku reebtay Quluubtooda.
Ka Hadlida Sugiga Amniga iyo U mahadcelinta Ciidamada Shisheeya Ayaa Waxaa Ay Noqotey Mid Joogta ah taasina waxay cadeyn u tahay heshiiska ka dhaxeeya hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo kuwa u soo shaqa tagay Somaliya.
Askariga Bilaa Mushaharka Ah Waddada la Taagan Qori Ay Ku Jiraan Wax Ka Yar 30 Xabo Oo Rasaas Ah Iskuna dhiga Gaariga Qaraxa Ah ayey Ka Qiimeeyaan kan Dalka danta Gaarka U Yimid Hogaamiyaasha Maanta Ina Xukuma, Waayo? Iyaga Somaliya waxba kama yaalaan oo shaqo ayay u yimaadeen.
Way Adag Tahay In Dalkeena Uu Dib Ugu Soo Laabto Dowladnimadii Iyo Kala Danbeyntii Ka Jirtey 30 Sano Ka Hor Inta Haatan Kuwa Ina Hogaamiyaba Joogaan, Waayo? Daacad kama ah hogaaminta Ummada Soomaaliyeed.
Bal ufiiso maalinba qorse ayaa somaliya loosoo sameenayaa marka uu kaasi dhamaado mid kale ayaa aya loo sameeya ayadoo shacabkii soo maliya la jaha wareeriyay
Bal eeg Baarlamaanka ayaa dood ka keenaya Hanaanka Xukuummada Qaraxbaa dhacay waxaa ku dhimanay kuwii ugu cadcadaa Xildhibaanada ee mawqifka kale aamin sanaa.
Somaliya Alloow Adaa U Maqan!
Lasoco qaybta labaad falaqaynta doorashada somaliya
W/Q:- Barkhadle yare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.