Madaxda Galmudug ugu sareysa oo Cadaado Baneeney

Dhawaan bay ahayd markii Cadaado lagu soo gabagabeeyey doorashadii aqalka hoose iyo kan sare oo kudhamaatey boob iyo dhac.
Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka galmudug oo Saxaafadda kula Hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Galmudug aysan hadda la heyn Hogaan amarkiisa la qaato oo ku sugan Galmudug, waxaana ay sheegeen in Madaxdii ugu sareysay Galmudug ay Sharci daro ku maqan yihiin.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Dastuurka Galmudug uu dhigayo in hadii uu Maqan yahay Madaxweynaha uu Xilka ku simayo Kuxigeenkiisa,haddii Kuxigeenka uu Maqan yahayna uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Xilka sii haynayo,haddii sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka uusan jooginna uu Kuxigeenkiisu Xilka sii haynayo hadana Afarta Mas’uul ee Dalka ugu sareysa ay gabi ahaanba maqan yihiin oo ay jabiyeen dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.