Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa la geeyay Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo,halkaas oo Kulamo ay uga socdaan Wafdiga Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inuu Dhamaan tagi doono Maamul Goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.