DAAWO: Munaasabad Lagu taageerayay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo lagu qabatay Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Munaadabad si heersare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa degmadaasi lagu qabtay .

Munaasabadda oo aheyd mid lagu taageerayay Xildhibaanka Qaran ee laga soo doorto Degmada Garbaharay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin kasocotay Maamulada heer Gobol iyo heer Degmo ururada bulshada sida Haweenka iyo dhalinyarada ayaa madasha ka hadlay.

Gudoomiye Kuxigeenka ahne siihayaha Xilka Gudoomiyaha ee Degmadaasi mudane Cabdi Barre Dhageey oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa muujiyay sida ka maamul ahaan ay ugu faraxsanyihiin in Xildhibaan Maxamuud Cali markale dib loo doortay isagoo ku tilmaamay shakhsi gutay Waajibaadkii shaqo ee loo igmaday afartii sano ee lasoo dhaafay,

Gudoomiyaha.Ururka.Haweenka ee Gobolka Gedo Marwo Faadumo Sheekh daahir cali ciye oo dhinaceeda ku hadlaysay afka haweenka Gobolweynaha Gedo ayaa.sheegtay in magan uu kasoo dhalaalay Masuuliyadii uu hayay ayna ku kalsoonyihiin in uu halkiisii kasii ambaqaado hawl-lihii shaqo ee.uu bulshadiisa u hayay.

Qaar kamid qeybihii Bulshada ee iyagune Munaasabadda hadalada kajeediyey ayaa dhamaantood ka sinaa sida ay ugu faraxsanyihiin in Maxamuud Cali Magan dib loo doortay iyagoo alle uga baryay in.waajibaadkiisa shaqo uu la garab galo.

Xildhibaan Magan ayaa dhiniciisa Khadka Telefoonka uga qeybqaatay Munaasabadda isaga uu kusugnaa Magaalada Kismaayo wuxuuna ree Garbaharay ku tilmaamay dad wadaniyiin ah oo waxtar leh diyaarna u ah hadii ay helaan hogaan wanaagsan in ay la shaqeeyaan.

Garbaharay waa Magaaladii aan ku dhashay waa meesha aan xildhibaanka u ahay dadka deegaankaas kasoo jeedane waa dad dowladnimada Jecel hadeey helaan hogaan caadil ah oo wadani ahne lashaqeyn lahaa ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Magan.

Geesta kale Ambassador Magan ayaa hoosta ka xariiqay in safaro badan uu kutagi doono garbaharay bulshada uu matalane uu wakhti laqaadan doono isagoo dhinaca kale carabaabay lagama maarmaanimada wadashaqeyn dhexmarta masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ay xilalka u hayaan.

Si kastaba ha ahaatee waa Munaasabadii ugu horeysay ee dad isxilqaamay ay sameeyaan una sameeyaan Xildhibaan Magan tan iyo markii dib loo doortay 17/11/2016 doorasho kadhacday Magaalada Kismaayo oo uu kaga adkaaday Musharixii la tartamayay ee Ibraahim Yuusuf Holash “Ibrahim Dheere”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.