Qarax xoogan oo maanta ka dhacay oo qasaaro geystey Muqdisho +SAWIRO

qarax

Inkabadan 7 qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax maanta ka dhacay halka loo yaqaan Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada sida Goob Joogayaal ay Shabelle u xaqiijiyeen.

Warar ayaa sheegaya in inta uusan Qaraxa dhicin wadada ay u xirneed Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama la sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu halkaas ka dhawaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Qaraxaasi dusha u ritay kaas oo sheegeen in khasaaro ay ugu geysteen Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan.
qarax1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.