Kulan Bulsho guud oo Maanta ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo(Daawo Sawwirada iyo Dhageyso)

Kulankani oo ahaa Kii ugu balaarnaa eek a dhaca degmada Baardheere ayaa lagu qabtey Xarunta shiirkolaha Magaalada,kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka degmada Baardheere ayaa ujeedadiisu ahayd sidii qeybaha ala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada ay u taageeri lahaayeen Mashaariicda dib u dhiska iyo horomarinta ee ka soconaya degmada.

Kulankani ayaa waxaa ka oo qeyb galey dad gaaraya ilaa 200 oo ruux oo isugu jira rag iyo dumar,waxayna ka kala socdeen qeybaha kale duwan ee Bulshada sida,,Maamulka degmada,Odoyaasha dhaqanka,Haweenka,Culimada,Ganacsatada,Beeraleyda,Dhalinyarada iyo wax garadka kale oo ka tirsan degmada,

Mas,uuliyiintiii kala duwaneyd eeka Hadley Kulanka oo ay ka mid ahaayeen Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ,Maxamed C/raxmaan Matow oo ah Gudoomiyaha Beeraleyda Degmada,Bashiir Nuur Axmed oo ka mid ah Odoyaasha Baardheere,Seynab Xaashi oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baardheere iyo Cali Saalax oo ku hadlayey Afka ganacsatada degmada iyo Xubno kale ayaa waxay dhamaantood ku dheeraadeen faa,idada bulshada ay u leeyihiin mashaariicda kale duwan ee ka soconaya Baardheere.

Mashaariicdaasi oo hadda maraya heerar wanaagsan ayaa waxaa ka mid ah,Dhismaha Xarunta maamulka degmada Baardheere,xarunta Bulshada,Garoonka kubada Cagta iyo moosida Togaga biyo mareenada degmada,mashariicdaasi ayey ku tilmaameen kuwo ahmiyad u leh Bulshada deegaanka,iyadoo maamulkana uu balan qaadey in degmada laga hergelin doono Leerarka cad ceeda ku shaqeeya.

Dhamaan ka qeyb galayaashii kulankan ayaa waxay amaan iyo bogaadin u soo jeediyeen Maamulka degmada Baardheere oo hergeliyey Mashaariicdan,waxayna Codsi ujeediyeen Maamulka degmada inuu wax ka qabto Baahiyaha kale ee ka jira degmada,sida dhismaha Keydka Biyaha si magaalada ay u hesho biyo nadiif ah,dhismayaasha sida Saldhiga Booliska,Maxkamada degmada iyo Xabsiga degmada

Halkaan Ka Daawo Sawiradda .
dsc00251

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.