Faallo: Cambaareyn ku aadan hanaankii loo Maamulay Kursiga Xidhibaan ee Jifada Waqmaashe. W/Q Maxamed Xuseen Dhageey.

dhey

Iyadoo ay isa soo tarayaan Cambaareynta ku aadan sida xun ee loo maamulay Kursiga Xildhibaanada ee Jifada Waqmaashe Ree Xasan ee dhawaan kismaayo ka dhacday, ayaa waxaa isa soo taraya Shakhsiyaadka Bulshada Magaca ku dhexleh ee arintaas ka hadlay.

Aqooyahan Maxamed Xuseen Dhageey oo kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Sade oo lasoo xariiray Warqabadka Gedo Times ayaa qormo uu inoo soo diray wuxuu kaga hadlay sida xun ee loo maamulay Kursiga Jifada Waqmaashe, oo sida uu sheegay aysan u codeyn ergooyinkii Beeshaas, Balse dadkale ay maamusheen.

Aqoonyahan iyo Siyaasi Dhageey ayaa Hadalkiisa ku bilaabay ” Waxaan Cambaareynayaa sida Guracan ee loo Agaasimay Kursigaas, oo ku saleysan Isdaba marin, Caga jugleyn iyo dad aan aheyn Jifada Waqmashe oo Codeeyey, Kadibne si aan waafaqsaneyn Nidaamka kusiiyay Kursigaas gabadha uu Abtiga u yahay Nabadoonka Beesha Xasan Gaashireedle, Nabadoon Maxamed Xasan Yarow, Anigoo kamid ah Siyaasiyiinta iyo Aqooyahanka Beesha Xsan gaashireedle, waxan u  sheegayaa Gudiga Madasha Qaranka iyo Gudiga Doorasha ee Heer Federaal in aysan waxbaa kajirin Xildhibaanimada sida Sharci Darada ah lagu siiyay Gabadha lagu Magacaabo Daleys Xasan Balaqeey, Waxaan sidoo kale warqad Cabasho ah u gudbiyay International Community ama bulshada Caalamka iyo Urur Goboleedka IGAD” Ayuu yiri Maxamed Xuseen Dhageey oo Gedo Times Xiriir lasoo sameeyey.

Aqoonyahan Dhageey oo hadalkiisa siiwata ayaa Yiri, ” Hadii arintani aysan waxba kaqaban Gudiyada aan kor kusoo xusay, waxay keeneysaa isku dhac ka dhex dhasha Beesha Ehelka ah ee wada dhalatay ee Ilmo Xasan Gaashireedle, Waxaad ogtihiin Caga juglenta iyo wax isbamarinta iyo Musuqa inuu kajiro Meelaha ay doorashadu kasocoto, waxaan rajeynayaa inaad u dhaga nuglaataan jawaab cadne kabixisaan eedeymaha aan soojeediyey,

F.G: Waxaan Cadeynayaa inaan ahay ama kasoo jeedo Jilibka Hoose ee Nabadoon Maxamed Xasan Yarow, oo ku takri falay Xilkii iyo Masuuliyadii ay u igmadeen Beesha Xasan gaashireedle.

Ma ahan Aqoonyahan Maxamed Xuseen Dhageey oo kaliya dadka kahoryimid hanaankii lagu doortay Daleys Balaqeey, Balse dad badan oo  ree Sade ah ayaa aaminsan in Kursigaas si kabaxasan Bini’adamnimada loo maamulay, iyadoo inta badan eedeymaha la xiriira Musuq maasuqa lagula kacay kursiga Jifada Waqmaashe, masuuliyadeeda Dusha loo saaray, Nabadoon Maxamed Xasan yarow oo gabadha lasoo saaray Abti u ah, Maxadaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo Xaaskiisa ay eedo u tahay Gabadha iyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Indhakoreey oo lasheegay in Xiriir Saaxiibtinimo uu kala dhaxeeyo Gabadha lagu dhawaaqay ineey Guuleysatay, tiiyoo ay dheertahay in Indhakoreey uu yahay Shakhsiga ciidamada Nabad sugidda geeyey Hoolka doorashada si loo kala eryo ergooyinkii Beeshaasi ee wax dooran lahaa, badalkeedane lagu xareeyey Hoolka dad aan u dhalan Beesha, iyo Askar katirsan Maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.