Baaq Nabadeed oo kasoo baxay shir ay yeesheen qurbajoogta Beesha Wagardhac iyo Reer siyaad Xuseen

nabadey

Shir aan caadi ahayn oo Yeesheen Qurbajoogta Beesha Wagardhac iyo Reer Siyaad Xuseen ayaa waxaa looga hadlay dhibkii kadhacay Caabudwaaq kasoo ahaa waxaan lafilayn ayna kaxumaadeen qurba joogta Wagardhac iyo Reer Siyaad Xuseen.

Wada hadal dheer kadib waxaa aad iyo aad loogu Mahadceliyey sida bulshada Caabudwaaq ay arintaan ugu istaagtey oo loo kala dhex galay walaalihii dagaalamey, waxaa kaloo mudnaan iyo sharaf mudan waxgaradka Beesha Wagardhac iyo reer siyaad Xuseen oo joogo Caabudwaaq sida ay uwada qaateen nabada iyo heshiis lagu soo afjarayo dhibkii kadhacay Caabudwaaq.

Hadaba qurbajoogtaan ayakoo xoojinaya heshiiskii ku dhex maray caabudwaaq Wagardhac iyo reer Siyaad Xuseen ayey waxay soo saareen baaq qodobada uGu muhiimsana waa kuwaan hoos ku qoran.

1:- Waxaan cambaareyney dagaalkii halkaas kadhacay oo ahaa mid aan loo baahnayn

2:-Waxaan si buuxda utaageerney hadaan nahay qurbajoogta labada beeleed go’aamadii kasoo baxay shirkii nabadeynta ee kadhacay Caabudwaaq

3:-Waxaan aad uga xunahay dhibkii kala gaarey labada beelood oo walaalaha ah

4:- Waxaa kaloo isla qaadanay hadaan nahay qurbajoogta labada beelood inaan si wadajir ah nabada uga shaqeyn doono

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.