Dagaal Caawa ka dhacay Xarunta Doorashada Magaalada Jowhar ee Maamulka Hirshabeelle

Dagaal u dhexeeya Ciidamo uu watay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxasmed C/llaahi Xasan Nuux iyo Ciidamada Ilaaliya Xarunta ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Hirshabeelle ka soo galaya Baarlamaanka soo socda ayaa Caawa ka dhacay Xarunta.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ka mid ah Musharaxiinta raadinaya Kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ka imaanaya Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay inuu Weerar ku soo qaaday Xarunta islamarkaana ay isku dhaceen Ciidanka Illaaliya Xarunta iyo Ciidamo kale oo uu watay Musharaxa kale oo ay Nuux Kursiga ku wada tartamayaan,Khasaaraha ka dhashay Weerarka caawa lama Oga,waxaana weli Xarunta ka jirta Xaalad Kacsanaan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.