Dagaalka Caabudwaaq yaa dani ugu jirtaa! By Cabdullaahi Jimcaale

jim

Waa taariikh manta 16 /11/16,waa war xanuun badan oo aan dhegaha sammejeclaha u roonayn,waa arin naxdin iyo welwel gelisay qalbiyada inta wanaaga jecel oo ehelnimada iyo Soomaalinimaduba dhibayso oo runtii xamabaarsan dareen tiiranyo badan,sidaas awgeed waxaan u soo jeedinayaa beelaha walaalahaa ee wada degan Caabudwaaq in ay gartaan in khasaare naf iyo maal ah maahee aan wax maslaxadihi ugu jirin dagaalka ka bilowday saakay Caabudwaaq ee uu faa,ido u yahay intii cadaw idiin ah,

Sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa si ehelnimo ah aniga oo ka xun waxa socda in si deg deg ah xabada la joojiyo shuruud la,aan,wada hadalna lagu bedelo dagaalka.

Sidoo kale Beelaha kale ee sade waxaan ku boorinayaa in ay guntiga u xirtaan daminta dirirta,kaalintooda nabad ku soo celinta magaaladana qaataan ,wax walbana u huraan in aan dagaal kaas siisocon.

Sidoo kale qurbajoogta waxaan leeyahay kaalin ka qaata joojinta dagaalka,af iyo adin inta geliya si dagaalku u joogsado.

Wabilaahi Towfiiq.Cabdullaahi Jimcaale Faarax Dhegadheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.