MU’ASASADA AL-RAXMA OO CEEL RIIG AH KA QODAY TUULADA YAAAQLE EE GOBOLKA GEDO. “Masawiro”

MU’ASASADA AL-RAXMA OO CEEL RIIG AH KA QODAY TUULADA YAAAQLE EE GOBOLKA GEDO.
Mu’asasada Al-rahma Foundation For Education and Development ayaa tuulada Yaaqle e gobolka Gedo ka qoday ceel riig ah oo dhererkiisu yahay 210 MTR.
Tuulada ayaa ka mid ahayn meelaha ugu dadka badan uguna oonka badan gobolka Gedo, ayadoo ceelka ugu dhow uu yahay degmada Ceelcadde oo ujirta 40KM.
Dadka degan tuulada iyo deegaanka udhow aad ayaa ugu duceeyey dhamaan intii ceelkaas ka qayb qaadatay, ayagoo sheegay inay deegaanka kasoo mareen daruufo oon iyo harraad oo aad u adag.
Qodista ceelkaan riigga ah ayaa qayb ka ah qorshaha Mu’asasada Al-raxma kudoonayso inay 10 Ceel oo riig ah iyo ceel gacmeedyo badan uga qoddo gobolka Gedo, oo kamid gobollada aan adeeg bulsho iyo ceelal kufilan helin, ayadoo dadka iyo duunyadooduba marar badan ugu dhamaadeen oon iyo harraad, qorshahaan oo bilowday dhamaadkii 2014 tii ayaa ilaa hadda mu’asasada waxaa usuuragashay inay qoddo labo ceel oo Riig ah iyo toban ceel gacmeed.
Tuulada Yaaqle waxay kamid ahayd meelihii mu’asasadu biyaha gurmadka gayn jirtay abaartii kudhufatay koofurta Somalia 2014 tii, ayadoo booyadda biyaha ah lagu gayn jiray 400$, maantana ay heleen biyo macaan oo guryahooda ka burqanaya.
Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa mahad oo dhan iska leh, noo suura galiyay hawshaan naguna guuleeyey Ceelkaan iyo kuwii kahoreeyey, Mahadda Allaah kadib waxaan umahad celinaynaa dhamaan jaaliyadaha dalka iyo dibadda oo hirgelinta barnaamijkaan isku garab taagan si hagar la’aan ah waxaana ka codsanaynaa inay dhamaystirka hawshaan sii garab istaagaan.
Waa mahadsantihiin
Al-rahma Foundation
Xafiiska Warfaafinta

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.