Maamulka Juubaland Oo Xarig iyo caga Juglayn ku hayo saxaafada madaxbanaan

madoobe

Xili wali ay socoto doorashada xubnaha aqalka hoose qeybta Jubaland oo u afduuban gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee jubaland Abdi Ali Raage ayaa waxaa jiro sadex wariye oo si qaldan loogu jaysto xabsiga cunsuriga ah ee ay nabadsugid ku sheega ju aland ku dhex leeyihiin gudaha Magalada kismayo.

Wariyaasha xiran ayaa lagu haystaa kadib markii qaar kamid ah war saxan oo aan been ahayn ay soo dhigeen baraha bulshada gaar ahaan Facebookga xili maalintii shalay ahayd ay ciidamo careysan xoog kula wareegeen hoolka uu ka socdo doorashada afduubka ah ee ka socoto magalada kismayo.

Xariga wariyaasha ayaa waxaa ka danbeeyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee jubaland oo ah ninka ay u afduuban tahay doorashada ka socoto jubaland amar ku taag lahaan oo magaciisa la yiraahdo Abdi Ali Raage ayaa la hayb ah Madaxweynaha jubaland ee hada talada hayo Axmed Maxamed (Islam) oo ah halka uu ka helayo awooda murguxan ee ku dhisan qabilka.

Habka doorashada uu u isticmaalayo Abdi Ali Raage ayaaa waxa kamid ah in uu sameystay wax la yiraahdo caawiyaal labo nin ah ku waas oo qaabilsan in ay buuxiyaan warqadaha codeynta ee loogu tala galay ergada wax dooraneyso in ay ku kala xushaan qofka ay rabaan iyadoona liiska laga saarayo ergo haysato aqoonsigii codeynta islamarkaana lagu leeyahay ergada kuma jirtaan.

Musuqa baahsan ee aan qariska lahayn saarista dabool murguxan iyo qiil u raadinta dano shaqsi waxay sababtay in la diido tabinta doorashada ee warbaahinta madaxa banaan.

Doorashooyinka xubnaha aqalka hoose aya waxay ka soctaa qaybo kamid ah mamul goboledyada mana jirto qaylo ku aadan habka tabinta doorashada ee ka taagan mamuladaasi marka laga reebo jubaland oo noqotay hooyada fowdada iyo tacadiyada ee ay u geystaan warbaahinta.

Mahaan markii ugu horeysay ee wariye aan danbi galin lagu xiro kismaayo iyadoo ay caadi ka noqtay jubaland xirista wariye danbi la’aan ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.