Mid kamid ah Beelaha Dega Caabudwaaq oo Kalsoonida kala Laabatay Maamulka Gallmudug “Dhageyso”

Kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka mid Odayaasha Bah-hawiye ee Degta Degmooyinka Balanbale iyo Caabudwaaq kaasi oo ka dhacay Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug ayey sheegeen in ay
kalsoonidiin kala laabteen Maamul Goboleedka Galmudug.

Odayaasha Kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen in Go’aankaan ay qaateen Kadib Markii ay ka waayeen Galmudug saamigii ay ku lahaayeen iyo Xuquuqdooda isla markaana ay Go’aansadeen in ay xiriirka u jareen laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7-11-2016 iyagoona intaa Raaciyay in Galmudug aysan imaan karin deegaanadooda kana talin kana
mid ahayn.

Listen to “Mid kamid ah Beelaha Dega Caabudwaaq oo Kalsoonida kala Laabatay Maamulka Gallmudu” on Spreaker.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.