Kismaayo:Beesha Cali Maxamed oo sheegtay in Musuq Maasuq ku sameeyeen gudiga Doorashooyinka Jubbaland Kursigoodii aqalka hoose

Kulan ay Maanta iskugu yimadeen Besha Cali Maxamed oo kamid Beelwaynta Marexaan islamarkaana ka dhacay Magaalada Kismaayo ayay waxa ay uga hadleen saami qaybisiga Kuraasta Baarlamaanka Dowlada cusub ee Soomaaliya ka heleen.

Besha ayaa intii socday Kulanka uga dooday Xildhibaanka ay ku lahayeen Baarlamaanka oo badal lagu sameeyay , waxaana Besha la sheegay in Kursiga lagu badalay Haweenay halka markii hore uu ku qornaa Nin.

Badalka lagu sameeyay Kursigaan ayaa waxaa ay Beesha ku edaysay Gudiga Doorashooyinka Jubbaland oo galkaan gacanta ku haya

Liiska Beelaha Kuraasta Baarlamaanka ku leyihiin ayaa waxaa horay u soo gudbisay UN, waxayna Besha Sheegtay in Kursigaan uu ku qornaa Nin balse lakiin hada lau badal Haweenay.

Waxayna Beesha Cali Maxamed sheegtay Musuq Maasuq lagu sameeyay Kursiga islamarkaana Ergooyinkii horay logu tala galay in ay wax doortaan iminka labaday.

Beesha Cali Maxamed ayaa sheegtay in Maxkamada Sare dalka ay u gudbisay Dacwadaan islamarkaana ay sugaayaan go’aanka Maxkamada sido kalena ay cadayso cidii ka danbaysay Musuq Maasuqaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.