Akhriso: Waxgaradka Degmada Baardheere oo baaq nabadeed kasoo saaray,colaada Caabudwaaa.

nabadey

iyadoo degmada caabudwaaq uu shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya dad walaalo ah oo degmadaasi wada daga ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo diraayo beelahaasi ku dagaalamay caabudwaaq.

Waxgardka iyo nabadoonada ku dhaqan Degmada baardheere ee gobolka gedo ayaa baaq nabadeed u diray dadka walalaha ah ee degmadaadi ku dagaalamaya.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad ku hadlayay,Magaca Nabadoonada iyo guurtida Degmadaasi ka dhisan ayaa ugu horeyn,cambaareeyey falalka.wuxuushnimo iyo dagaalada lagu le’day ee degmadaasi ka dhacay.

“Waxaan ka xumahay in maanta oo lagu jiro qarnigii 21-aad sanadkune.maraayo 2016 ay maanta dad walalo ah oo isku abtir ah walal iyo abti iyo adeer.isu ah in ay manta maar isla dhacaan oo islaayaan, waa in colaadaas si degdeg ah,loo joojiyo dagaal wiil kuma.dhashee wiil ayaa ku dhinta bal eeg maantaba tobaneeyo ruux ayaa dhimatay, yaa loo haystaa diyada dadkaas? ” ayuu isweydiiyey nabadoon faarax hire oo Gedo Times u waramayay.

Nabadoon Guhaad.ayaa.geesta.kale Waxgaradka.iyo samadoonada Degmadaasi ku,dhaqan ugu baaqay in.ay,qaataan.doorkooda Shariifka ah, isagoo dhinaca kale sheegay ka nabadoono ahaa in ay qorsheynayaan in at ku,baxaan colaadaasi cabudwaaq ka jirta si at kaalin uga qaataan daminta xiisadagmhaasi.

waa waxgaradkii ugu horeeyey ee Baaq nabadeed kazoo dira Gobolka Gedo oo ay dagaan dad ku hayb ah, beelaha caabudwaaq ku dagaalamaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.