Xaflad loo Qabtey Ardey ka Qalin jebisey Jaamacada Green hope ee

Boqolaal ruux oo isugu jira Mas,uuliyiinta Maamulka degmada
Baardheere,Odoyaasha dhaqanka,Culama udiinka,Haweenka,Maamulka
Jaamacada,Waalidiin,Aqoonyahano iyo ,Ardeyda Jaamacada ayaa maanta
waxay ka qeyb galeen Xaflad loo qabtay arday ka qalin-jebisay
Jaamacada Green Hope ,faraceeda Baardheere,waxaana tiradoodu ay
gaareysay  ilaa 27 ruux oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Jaamacadan  ayaa muddo sanad ka hor laga hergeliyey degmada
Baardheere,waxaana jaamacadan oo lagu furey ilaa 3 kuliyadood ayaa
kala ah kuliyada shareecada iyo qaanuunka,Public Health iyo
nutaration,Ardeydii ka Qalin jebisey ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin
heer jaamacadeed ah,iyadoo Jaamacadana iminka ay wax ka bartaan ardey
gaaraya ilaa 50 ruux.

Mas,uuliyiintii ka hadashey Xaflada Qalin jebinta oo ay ka mid
ahaayeen Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,ku
xigeenkiisa,ismaaciil sh.Cabdi Qorax,Nabadoon Faarax Hire guhaad iyo
Xubno kale ayaa hambalyo iyo bogaadin waxay u direen dhammaan ardeyda
ka qalin-jebisay Jaamacadda Green Hope, oo ay sheegeen inay kala qayb
qaadanayaan farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxayna ugu
baaqeen Ardeyda inay sii wataan dedaalka waxbarsho ee ay wadaan si ay
dalka iyo dadkaba ugaga faa’iideeyaan waxa ay barteen.

Sidoo kale goobta ay ka dhaceysay Xaflada ayaa Waxaa ku sugnaa oo
hadalo ka soo jeediyey Mas,uuliyiinta  ugu sareysa Jaamacada Green
Hope ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Prof Xuseen Tooxow oo ah
Rektarka Jaamacada Green Hope Soomaaliya iyo.Mustaf Macalim Cabdile oo
ah Madaxa Akadeemiyada Jaamacada,waxayna sheegeen inay farxad weyn u
tahay qeybaha kale duwan Bulshada Baardheere inay kala qeyb galaan
ardeydii ugu horeysay ee ka Qilin jebisa Jaamacada.

Ugu dambeyn Mas,uuliyiintii kala duwaneyda iyo Maamulka Jaamacada ayaa
shahaadooyinkii waxay gudoonsiiyeen Ardeydii ka Qalin jebisey
Jaamacada,waana markii ugu horeysay ee Ardey ka Qalin jebisa Jaamacad
la gudoonsiiyo Shahaado Diploma ah.

Halkaan Ka Daawo sawirada.

dscn1809 dscn1810 dscn1813 dscn1830 dscn1831 dscn1838 dscn1839 dscn1847 dscn1853

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.