Dhageyso:odayaasha iyo waxgaradka beesha reer siyaad xuseen ayaa waxa ay tacsi udirayaan eheladii uu ka geeriyooday allaha ha unaxariistee Macalin Khadar Maxamuud Axmed

odayaasha iyo waxgaradka beesha reer siyaad xuuseen oo idaacada daljir soo booqday ayaa waxa ay tacsi udirayaan eheladii uu ka geeriyooday allaha ha unaxariistee Macalin Khadar Maxamuud Axmed oo kamid ahaa macaliniinta Iqra iskuul. oo 27kii bishaan dil fool loogu geestay degmada caabudwaaq iyagoo ka xun dilka macalika ayaa waxa ay ku tilmaamee dilkaas inuu ahaa fal wahooshnimo ah ayna kawada xuniyiin dhamaantood.
kan kale waxa ay sheegeen in gacanta lagu hayo gacan ku dhiiglihii dilka ugeystay macalinka oo sida ugu dhoqsiyaha badan loogu wareejin doono qoyskii uu ka soo jeeday macalika waxgaradkaan ayaa besha sade iyo bulshada kale ee reer caabudwaaq ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada iyo wada noolaan shaha degmada.
dhankale waxaa tacsi taa lamida udiraya aqoonyahan Cabdi Maxamed Warsame deeq faandhe oo kamida aqooyahanadaka soo jeeda waqooyiga gobolka galgaduud gaar ahaan degmada caabudwaaqayaa oo kusugan dalka dibadiisa oo la soo xidhiidhay radio daljir ayaa waxa uu tacsi udirayaa eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday macalin khadar maxamuud axmed ayaa waxa uu ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigijirtay schoolka iqara ee kuyaala degmada caabudwaaq waxa uuna ahaa shaqsi qiimo iyo sharaf ku dhaxleh bulshada lagu xasuusto wanaag.

by liibaan cali guuleed (liibaan buulle)
Listen to “waxgarad reer siyaad xuseen oo ka tacsi udirey qoyskii iyo eheladii uu kadhintag muqtaar” on Spreaker.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.