Seminaar ku saabsan is dhexgalka Dhalinyarada oo lagu soo gababeeyey degmada Baardheere(Daawo Sawwiro+Dhageyso)

 

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey
Seminaar ku saabsan is dhexgalka dhalinyarada soomaaliyeed ee ku
dhaqan degmada,kaasi oo soconayey muddo 3 maalin ah,waxaana intii uu
soconayey ka qeyb galey ku dhowaad ilaa Kontonl ruux oo isugu jira
Wiilal iyo Gabdho, waxaa soo qaban qaabiyey Wasaarada dhalinyada iyo
Isboortiska ee Jubbalad,waxaana taabageliyey qabsoomidiisa  Mashruuca
Dalbile.

Gebagebadii  seminaarka  oo ay goob joog ka ahaayeen Mas,uuliyiinta
Maamulka degmada,Ururada dhalinyarada Baardheere iyo Ururka Haweenka
ayaa waxay gabdhaha dhalinayarada oo ku labisan dharka Hidaha iyo
dhaqanka ku soo bandhigeen Goob fagaare ah qaar ka mid ah Ciyaaraha
hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed,sida Saarka,Gaaleysada iyo
Buraanburka,waxaana sidoo kale Ciyaartoyda Baardheere loo qabtey
Tartan kubada cagta ah oo ay ku tartamayeen Kooxaha ka dhisan degmada
Baardheere.

Cabdiwahaab  Bilaal Axmed   oo ah Gudoomiyaha ururka dhalinayarada
Jubaland ayaa sheegay ujeedada ay u qabteen Seminaarka noocani oo kale
ah iyo Tartamada inay la xariirto sidii dhalinayarada ku dhaqan
degmada Baardheere loogu dhiiri gelin lahaa is dhexgalka Bulshada iyo
horomarinta Nabada,tartamadii loo qabtey dhalinyarada ayuu sheegay
inay   u soo daawasho tageen  Boqolaal dadweyne oo isugu jira rag iyo
dumar,waxaana Tartamayaashii kala gedisnaa ee ku  guuleystey kaalimaha
1aad ilaa 3aad  la gudoonsiiyey abaal marino kale gedisan.

Mas,uuliyiintii ka hadashey Xafladii loo qabtey Dhalinyarada  ayaa
waxaa ka mid ahaa Cadow Nur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada
Baardheere, Xuseen Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada degmada
Baardheere,Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka
degmada Baardheere iyo Maxamed Cabdi Amiin oo ah  Gudoomiyaha Ururka
dhalinyarada degmada Baardheere

Waana seminaarkii ugu horeeyey ee la xariira is dhexgalka
dhalinayarada iyo horomarinta Nabada ee loo qabto dhalinyarada ku
dhaqan degmada Baardheere muddo ka badan ilaa 26 sanno

Halkaan Ka daawo

76431

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.