In ka badan 10 Askari oo lagu Dilay Weerarkii Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose

Weerarkii ka dhacay Degmada Afgooye ayaa ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Saldhiga Booliska, waxaana sida la sheegay halkaasi ku dhintay ugu yaraan 10 Askari, Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaasi sidoo kale ay ku dhinteen 3 Ruux oo lagu kala sheegay Taliyihii Ciidamada Booliska ee Degmada Afgooye, Isku-duwihii Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Maxamuud Faarax Qooleey iyo Taliye ku xigeenkii Birmadka, Axmed C/qaadir Gorod.

Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ayaa dab qabadsiiyay Saldhiga Booliska ee Degmada Afgooye, sida Dadka Degaanka ay sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.